
Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa maalin kahor weerar isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood 2, waxa ayna halkaasi ku dileen masuuliyiin iyo dad shacab ah.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ragii weeraray Hotelka ay ahaayeen shan nin, waxa ayna Dowladu shaacisay in sadex kamid ah ragaasi nolosha lagu qabtay.
Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska ayaa qoray in ragii Shabaabka katirsanaa ee weeraray Hotelka Naasa Hablood ay xirnaayeen dareeska Ciidanka Nabad sugida sidoo kale wateen kaararka aqoonsiga ee NISA.
Sargaal katirsan Ciidamada Nabad sugida oo Wargeysku magaciisa ku sheegay Korneyl Axmed Yare ayaa sheegay in raga weerarka fuliyay si nabad galyo ah kusoo mareen wadooyinka Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in aanan la baarin maadaama ay wateen dareeska ciidanka iyo aqoonsiyo .
Waxa uu sheegay in ciidamada booliiska aysan amar u heysan in ay wadooyinka qaar ka celiyaan ciidamada xiran dareeska Ciidanka dowlada sidoo kale wata kaararka aqoonsiga.
Dowlada Soomaalia ayaan ka hadlin warkan lagu daabacay Wargeyskan kasoo baxa dalka Ingiriiska, waxaana qaar kamid ah dadkii ka bad baaday weerarkii Hotelka Naasa Hablood 2 sheegeen in raga weerarka fuliyay xirnaayeen dareeska ciidanka dowlada.