Ragii weeraray hotel ku yaalla caasimadda Liibiya oo u kala dhashay Sudan iyo Tunisia (Sawirro)

Read Time:1 Minute, 22 Second

Mareeg.com: Weerar labo maalmood ka hor koox hubeysan ku qaadday hotel ku yaalla caasimadda Liibiya ee Tripoli, laguna dilay ilaa 9 ruux oo 5 ka mid ah ajnabi ahaayeen ayaa waxaa sheegtay garabka ISIS ee dalka Liibiya.

Kooxdan Islaamiga ah ayaa shaacisay dalalka ay u kala dhasheen labo nin oo la sheegay iney dadkaas laayeen. Ka hor weerarka gudaha ka dhacay gaari ku qarxay banaanka hoetlka.

War rasmi ah oo kasoo baxay garabka dowladda Islaamiga ah ee Liibiya ayaa lagu sheegay in xoogag iyaga ka tirsan ay mas’uul ka ahaayeen weerarkii Corinthia Hotel, waxeyna weerakaas ugu magacdareen “Duullaanka Abuu Anas Al-liibi”.

Bayaankaas ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba dagaalyahan oo u kala dhashay wadamada Tuunis iyo Suudaan ay fuliyeen weerarka ayna bartilmaameedsadeen dublumaasiyiin ajnabi ah.

Labada nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Abu Ibrahim Al-tunisi oo u dhshay dalka Tunsia iyo Abu Suleyman Alsudani oo u dhashay dalka Sudan. Arrintaan ayaa cadeyneysa in dagaalyahanada Islaamiga ah ee liibiya ku jiraan ajaanib aan Liibiyaan aheyn.

DXV11GlOsEZ3hz

Labadaan nin ayaa la sheegay iney gudaha u galeen hotelka lagu magacaabo Corinthia Hotel ee ku yaalla caasimadda Liibiya, waxeyna rasaas ku fireen goobta soo dhaweynta, halkaasoo ay dad badan ku dileen, iyagiina mar dambe la dilay.

Saraakiisha dalka Liibiya waxay sheegeen in dadka dhintay ay ku jiraan qof Maraykan ah iyo muwaadin Faransiis ah.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Maraykanka wuxuu xaqiijiyey geerida muwaadinka Maraykanka ah, balse lama bixin sharraxaad dheeri ah.

Qofka Maraykanka ah ee dhintay ayaa la rumaysan yahay inuu ahaa qandaraasle ka shaqeeya arrimaha amniga.

Muwaadinka Faransiiska ah waxaa la sheegay inuu u shaqaynayey shirkadda dayaaradaha ee Buraq Air.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.