Ragii Shabaab U Fulinjiray Qaraxyada Muqdisho oo Saaka Xukun lagu Fuliyay iyo Qaar Ka Mid ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Ragii Shabaab U Fulinjiray Qaraxyada Muqdisho oo Saaka Xukun lagu Fuliyay iyo Qaar Ka Mid ah

Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo talaado ah waxa ay xukun ku riday rag qaarkood lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Raggaan oo tiradoodu gaareysay ilaa Afar ayaa markii Saddexaad la horkeenay Maxkamada Ciidamada Qalabka sida kuwaas oo Maanta ugu dambeyn la xukumay.

Raggan ayaa waxaa ay Magacyadoodu kala yihiin:

1:- Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in
2:-C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah
3:-C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah
4:- Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa raggan xukunka lagu riday ku dhawaaqay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!