Muqdisho: Rag walxaha qarxa aasayay oo la qabtay

Mareeg.com: Ciidamada Nabad Suggida Gobolka Banaadir, ayaa waxay gacanta ku dhigeen 3 nin oo ay sheegeen iney walxaha qarxa ku aaseen Isgoyska Dabka, oo ka mid ah Isgoysyada ugu muhiim ee ku yaala Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Hawlwadaag ee Maamulka Gobolka Banaadir, Axmed Nuur Cali Siyaad, oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaa daboolka ka qaaday in dadka deegaanka ay ku soo wargeliyeen in raggaasi ay miino ku aasayeen wadada, isla-markaana uu isagana ku wargeliyay Hay’adda Nabad Sugguda.

Gudoomiyaha waxa kaloo uu xaqiijiyay in Ciidamada Nabad Suggida ay horey u kaxeysteen raggii qaraxyada aasayey, laguna haayo Xarumaha Nabad Suggida ku lee dahay Magaalada Muqdisho.

Hay’adda Nabad Sugidda ayaa maanta shaacisay iney Suuqa Bakaaraha ka qabatay sarkaal sare oo Alshabaab oo deganaa Hotel.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245