Rag lagu tuhmay iney ka tirsan yihiin Alshabaab oo lagu qabtay Jarmalka

Read Time:46 Second

Mareeg.com: Ciidamada ammaanka ee dalka Jarmalka ayaa maanta oo Isniin ah qabtay saddex nin oo ay uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Saddexda nin oo u dhalatay isla dalka Jarmalka ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Frankfurt ee magaalada Berlin ee xarunta dalkaas, xilli ay ka soo laabteen socdaal ay ku tageen dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in saddexda nin lagu tuhmayo in ay ku howlanaayeen weerarro argagixiso oo ay ka fuliyaan gudaha Jarmalka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in uu socdo baaritaan lagu ogaanayo xaqiiqada waxa ay yihiin nimanku, ayna warbaahinta u soo bandhigi doonaan natiijada baaritaanka tuhmaneyaasha.

Ciidamada ammaanka ee Jarmalkuna waxay sheegeen in ay hayaan waxyaalo muujinaya in saddexda nin ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo horay loogu aqoonsaday koox argagixiso ah ayaa ka dagaallanta gudaha Soomaaliya, waxayna weerarro ka geysteen dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Uganda.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.