Rag lagu dilay Ceelbuur & gaari ay wateen oo la gubay

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Alshabaab deegaan hoos yimaadda degmada Ceelbuur ku dileen labo ruux oo watay gaari, islamarkaana dab qabadsiiyeen gaarigii.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Ceelbuur, Axmed Kaahiye Carraale ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in labada nin ee la dilay ay wateen gaari Land Rover ah, kuna sii jeedeen degmada Ceelbuur, ayna ka yimaadeen degmada Maxaas.
Dilka labadan nin ayaa la sheegay inuu ka dhacay tuulada Ceel-shiil oo 10 km dhanka bari kaga beegan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Taliyaha ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in raashin isugu jiray bur, bariis iyo sokor oo saarnaa gaariga ay wax ka qaadatay intii kalena ay ku gubtay baabuurka.
Axmed Kaahiye Carraale ayaa xusay in ay ku raad joogaan maleeshiyadii falka gaysatay, isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in ay gacanta ku soo dhigaan.
Baraha Internet-ka ee taageera Alshabaab ayaa lagu qoray in labada nine e la dilay ay gaariga ku sideen saad loo weday ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Ceelbuur.
Baraha Alshabaab ayaa lagu sheegay in gaarigaas oo ka tegay deegaanka Guriceel uu doonayey inuu si dhuumaaleysi ah ku galo degmada Ceelbuur.
Alshabaab ayaa go’doon saaray degmooyinka ay horay ugala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, waxeyna horay u gubeen gaadiid doonayey inuu galo qaar ka mid ah degmooyinkaas.
Mareeg Media

About A warsame 9752 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245