Rag ku Eedeesan dilka Hindiya Xaaji Maxamed oo maanta Cadaalada hortagaya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Rag ku Eedeesan dilka Hindiya Xaaji Maxamed oo maanta Cadaalada hortagaya

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee dalka, ayaa maanta lagu wadaa in la horgeeyo dhoor qof oo loo heesto in ay ku lug lahaayeen qaraxii lagu dilay Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo katirsaneed Warbaahinta Dowlada.

Ciidamada Nabad Sugida ayaa howlgalo ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen shan qof oo lagu tuhmayo in ay ku lug lahaayeen dilka Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo 3-dii december sanadkii hore lagu dilay qarax gaarigeeda loogu soo xiray.

Xarunta Maxkamada maanta la horgeenayo ragan ku eedeesan Dilka Hindiya ayaa waxaa ku sugan qareeno difaacaya ragan loo heeso kiiska dilkaasi iyo ehelada eedeesanayaasha iyo waliba ehelada Wariye Hindiya.

Warbaahinta Dowlada ayaa horey looga baahiyay Muuqaalka labo nin oo qiranaya in ay ku lug lahaayeen waxna ka maleegeen qorshihii lagu dilay Allaha u naariistee Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo katirsaneed Shaqaalaha Idaacada iyo Tv-ga Dowlada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!