
Read Time:1 Minute, 0 Second
Mareeg.com: Wararka ka imaanaaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxay sheegayaan in lagu qabtay saddex ka mid ah Al Shabaab, xilli degmadaasi Shabaabka laga qabsaday muddo lix toddobaad laga jooggo.
Raggaan, ayaa waxaa gacanta lagu dhigay Arbacadii shalay, xilli ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen Degmada Jalalaqsi, iyadoona lagu wado in Maxkamad la horkeeno, si Sharciga loogu qaado.
Maxamed Cabdulle Fiidow, Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi, ayaa wuxuu xaqiijiyay in ragga la qabtay ay yihiin kuwo la garanaayo, isla-markaana ay maleygayeen falal ka baxsan ammaanka.
Gudoomiyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha, ayaan kala cadayn in saddexdaan nin hub iyo walxaha qarxa lagu soo qabtay iyo in kale, marka laga reebo in Jalalaqsi ay u yimaaden carqaladeen ka dhan ah amniga deegaanka.
Gudoomiyaha, ayaa wuxuu balanqaaday in raggaan ay horkeeni doonaan Maxkamada degmada Jalalaqsi, kolka la soo gaba gabeeyo baaritaano uu sheegay inay ku socdaan.
Dowladda Somaliya, ayaa waxay ka feejigan tahay in dagaal-yahanada Shabaab ay weeraro ka fuliyaan magaalooyinka ay gacanta ku heyso.
Degmada Jalalaqsi ayaa aheyd marin muhiim ah oo ay Alshabaab isaga gudbi jireen gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ee Soomaaliya, waxaana la dhowr todobaad ka hor la wareegaya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Published by A Warsame is senior
Editor and managing Director of Mareeg Media
Whatup :+447737886245
Happy
0 0 %
Sad
0 0 %
Excited
0 0 %
Sleepy
0 0 %
Angry
0 0 %
Surprise
0 0 %