Rag hubeysan oo Askari ku dilay Muqdisho

Kooxo ku hubeysanaa bastoolado ayaa goordhow wax ay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Somaaliya.

Askariga la dilay ayaa la sheegay in uu ka tirsanaa Ciimada Booliiska, waxaa lagu magacaabi jiray liibaan,waxaana goobta dilku ka dhacay is kaga baxsaday ragii dilka ka dambeeyay,iyagoo horey uga qaatay qorigii uu askarigu watay.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaa oo goobta ka qaaday meyda askariga la dilay.