Radio Risaala oo maalintii labaad xiran & 3 masuul oo xabsiga ku jira

Read Time:47 Second

Mareeg.com: Waxaa maalintii 2-aad hawada ka maqan Radio Risaala oo ka mid ah Idaacadaha ka howlgala Muqdisho, kaasoo ay xireen ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa xabsiga ku jira Agaasimaha idaacadda Risaala, Maxamed Cabduwahaab, Tafaftiraha idaacadda Maxamedkafi Sheekh Abuukar iyo wariye Maxamed Cabdi Cali.

Sababta loo xiray Idaacaddan ayaa lagu sheegay iney baahisay war aan jirin, kaasoo lagu sheegay in deegaanka Sharey ee u dhaxeeyqa Afgooye iyo Wanlaweyn lagu arkay qof looga shakiyey inuu qabo cudurka halista ah ee Ebola.

Arrintaas waxaa baaritaan degdeg ah ku sameeyey wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo hay’adda WHO, kuwaasoo gaaray deegaanka Sharey, islamarkaana soo helay qof la sheegay inuu qabay cudurkaas, kaasoo la baaray lagana waayey cuduruka.

Radio Risaala waxaa iska leh xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle, kaasoo horay usoo noqday wasiirka warfaafinta dowladdii KMG aheyd.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa ninkii dib usoo nooleyeey  Radio Muqdisho, oo ah Idaacadda Dowladda Soomaaliya.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %