Rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta hareeyey Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta hareeyey Baydhabo

Mareeg.com: Debadbaxyo isu badelay rabshado, loogana soo horjeeday dhismaha maamulka 3-da gobol oo maanta ka dhacay xarunta gobolka Bay ee Baydhabo ayaa sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca in ka badan 10-qof oo kale, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab dibadbax looga soo horjeedo dhismaha maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Dibadbaxayaashan ayaa ka mid ahaa taageerayaasha maamulka lixda gobo loo horay looga dhawaaqay Baydhabo, iyadoo madaxweynaha maamulkan, Madoobe Nuunoow Maxamed uu ciidamada dowladda ku eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka dadka shacabka ah.

Ninka sheegta madaxweynaha Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa ku eedeeyay Ciidamada dowladda inay soo weerareen shacabka banaan bax nabadeed sameynayay, isla markaan rasaas lagu furay.

“Waxaan u aragnaa duulaan lagu soo qaaday dowladda aan Madaxweynaha ka ahay ee Koofur galbeed, shacabka wuxuu go’aansaday in fikirkiisa si xoriyad leh ku jirta u gaarsiiyo caalamka, waana banaan bax nabadeed oo ay dhigayeen, markaas kadib waxaa rasaas nagu soo furay ciidankii Qaranka”ayuu yiri Madoobe Nuunow.

Madoobe Nuunow ayaa sheegay in dadkii banaan baxayay la jirdilay, la dhaawacay, qaarna xabsiyada la dhigay, isagoo intaa ku daray in xaruntooda ADC lagu soo weeraray, isla markaana ilaaladooda hubka laga dhigay.

Sidoo kale, Nuunow ayaa xusay in weerarka uu yahay mid lagu soo qaaday maamulkiisa, isagoo madaxda dowladda ku eedeeyay inay wadaan sidii ay isaga horkeeni lahaayeen shacabka gobollada Koonfur-galbeed ku nool.

Magaalada Baydhabo ayaa lasoo sheegayaa inay xaaladdeedu weli kacsan tahay, iyadoo uu ka socdo magaaladaas shirka dhismaha maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed loo sameynayo.

Debadbaxyada ka dhacay Badhabo ayaa yimid xilli uu manta halkaas tegay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh, kaasoo si rasmi ah u furay shirka lagu dhisayo maamulka saddexda gobolka ee Koonfurta Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!