Iska hor-imaadka ayaa yimid kadib markii shaqaale Soomaali ah oo doonayey iney markab alaab ka dejiyaan uu halkaas soo gaaray wiish ay leedahay shirkadda Turkiga ah ee Albayrak, taasoo dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekedda Muqdisho.
Shirkadda Turkiga ah ee Albayrak ayaa sheegtay ineysan qaadi Karin shaqaalihii faraha badnaa ee horay uga shaqeyn jiray dekedda Muqdisho, taasoo keentay in maalmihii laso dhaafay ay debadbaxyo dhigaan kumanaan ka tirsan shaqaalaha muruqmaalka ah ee Muqdisho.
Qaar ka mid ah muruqmaalka dekedda Muqdisho oo warbaahinta maanta la hadlay ayaa sheegay in labada qof ee dhaawacantay ay dhaawaceen nin ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin Turki ah oo saarnaa Wiishka, kaasoo ay sheegeen inuu ridayey bastoolad.
Ma jiro war kazoo baxay booliska Soomaaliya iyo shirkadda Turkiga ah ee Albayrak, oo ku saabsan dhaawaca muruqmaalku sheegeen in loo qeystay qaar iyaga ka mid ah.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.