Raashin gargaar ah oo lagu boobay deegaanka Janaale ee Shabeellaha Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Raashin gargaar ah oo lagu boobay deegaanka Janaale ee Shabeellaha Hoose

Janaale – Mareeg.com: Raashin gargaar ah oo loo weday dadka ku nool deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay la boobay, iyadoo la sheegay in jkooxda raashinka boobtay ay xirnaayeen labiska ciidamada dowladda.

Raashinka la boobay waxaa sida labo gaaar oo nuuca Isjiidka ah, waxaana ku deeqay hay’adda WFP, sida uu warbaahinta u sheegay gudoomiyaha deegaanka Kanaale Maxamed Idiris.

“Waxaa xalay deegaanka Janaale lagu boobay 2 gaadiid oo gargaar u waday shacabka ku dhibaateysan deegaankaas, raashinkaas waxaa ku deeqday hay’adda WFP waxaana boobay rag ku labisan ciidanka dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri gudoomiyaha Jannaale Maxamed Idiris.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay nasiib-darro tahay in raashin dad masaakiin ah loogu talo-galay la boobo, waxaana uu xusay inay ku wargelinayaan arrintan dowladda dhexe si ay deg-deg wax uga qabato.

“Halkan wax nidaam ah oo ka jiro ma jirto, ciidamadii dowladda ayaa boobay raashin gar-gaar ah oo loogu talogalay shacabka deegaankan ku dhibaateysan, waxaan ku wargelinaynaa dowladda,” ayuu Idiris ku sheegay hadalkiisa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaan si joogto ah loo siin mushaar, iyadoo weli mushaarkoodu uu aad u yaryahay, waxaana mararka qaar dhaca boob ay geystaan ciidamada qaarkood ama dhallinyaro ku labisan dharka ciidamada dowladda.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!