Raashin diyarado lagu geeyey Waajid

Waajid – Mareeg.com: Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa labo diyaaradood raashin ku gaarsiisay degmada Waajid ee gobolka Bakool, kadib muddo dhowr bilood oo Alshabaab ceejin ku hayeen degmadaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ku jira.

Geynta raashinkaan ayaa timid kadib markii macluul xoog leh ka dhacday degmada Waajid, islamarkaana raashin laga qaaday Muqdisho uu ku xayirmay magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo shalay raashinaas wax ka geeyey degmada Waajid ayaa warbaahinta u sheegay in raashinka ku xayiran Baydhabo xoog lagu gaarsiin dooni degmooyinka Waajid iyo Xudur.

Sarkaalkan ayaa xusay in raashinka shalay la geeyey Waajid maanta loo qeybin doonto dadka tabaaleysan.

Horay ayaa wasaaradda arrimaha gudahu raashin nuucaan ah diyaarado ku geysay degmada Buulo-barde ee gobolka Hiiraan halkaas kadib markii ay qabsadeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM ka tirsan ay Alshabaab xayiraad gacasi saareen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245