Raashin ay iska qubtay Amisom oo loo raray Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Raashin dhacay oo ay iska qubeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Muqdisho ayaa la sheegay iney magaalada soo geliyeen dad doonaya iney ka ganacsadaan.

Arday dhigata mid ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho oo la kulmay raashinkaan oo Muqdisho loo daabulayo ayaa warbaahinta u sheegay in raashinkaas ciidamada AMISOM ku daadiyeen deegaanka KM13 ee duleedka Muqdisho.

Mid ka mid ah dhallinyaradan oo la hadlay KNN ayaa sheegay iney indhahooda ku arkeen raashinkaas oo leh nuucyo kala duwan, islamarkaana ciidan ilaalinayo, loona baadulayo Muqdisho.

Raashinkan oo ciidamada AMSIOM arbacadii ku daadiyeeyn god weyn oo ku yaalla agagaarka Qabuuraha Macallin Nuur ayaa waxaa ku qornaa taariikh muujineysa inuu dhacay sanadkii hore ee 2013.

Codad laga duubaay xamaaligii raashinkaas rararay ayaa muujinaya in la geynayo suuqyada Muqdisho sida Suuq Xamarweyne iyo suuqyo kale.

Soomaaliya kama jiro nidaam lagula socdo raashinka iyo dawada dhacay, waxaana muuqata in aarintuy faraha kasii baxday maadaama raashin ay iska fogeeyeen ciidamada AMISOM lagu soo celinayo suuqyada.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245