
Raadiyo Muqdisho waxaa uu Hawada soo galay Bishii June 1951, waxaana habeen dhowayd loo dabaaldegey Sanad guuradii 66-aad ee ka soo wareegtey Aasaaskiisii. Waxa uu soo maray marxalado kala duwan 10-kii sano ee ugu horeysey waxaa maamulayey Gumeysigii Talyaaniga, Sagaal sano oo ku xigtey waxaa maamulayey dowlad rayid ah oo dimuqraadi ah, 21 sano waxaa gacanta ku hayey Talis Milatari oo xoog badan, dadka dhaliila waxay sheegeen in runta kaliya ee uu waagaas sheegi ay ahayd “Halkani waa Raadiyo Muqdisho”. Waxaa xigey maamulo kala duwan sida Cali Mahdi, Jeneraal Caydiid, Maxkamadihii, Cabdulaahi Yuusuf, Sheikh Shariif, Xasan Sheikh Maxamuud iyo hadda oo uu Raadiyo Muqdisho gacanta ugu jiro dowladda Farmaaajo.
Waxaad moodaa tan iyo maalintii dhidibada loo taagey ilaa iyo maanta in aanu jirin wax is bedel ah oo la sheegi karo marka aan ka hadlayno waxa ay tebiso Warbaahinta dowladda iyo siyaasadda lagu maamulo labadaba, yacni mar walba waxa ay Raadiyaha iyo Telefishinkuba u adeegaan cidda markaas gacanta ku haysa oo kaliya lagamana sheegi karo wax dhaliil ah xitaa haddii ay wax dhiseyso.
Waxaan Goobjoog u ahaa iyadoo Raadiyo Muqdisho laga diido hadalka Jeneraal Caydiid oo ahaa Gudoomiyaha USC, waxaan kaloo marqaati ka ahaa iyadoo Raadiyo Muqdisho hadalkiisa laga joojiyo Cabdiweli Gaas oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xiligii ugu wanaagsanaa waxa uu ahaa markii uu Wasiirka Warfaafinta ahaa Mustafa Dhuxuloow, waxaa is khilaafay Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed si siman ayaa Wararkooda looga sii dayn jirey Warbaahinta dowladda iyagoo weliba is burinaya, waana sida la rabo.
Markaan soo xooriyo sheekada Raadiyo Muqdisho iyo Telefishinkuba ma ahan Warbaahin u adeega dowlad ilbax ah, waxaan kala garan la’ahay in Warbaahinta Dowladdu aaney weli helin dadkii Ehelka u ahaa oo garan lahaa in Raadiyiha iyo Telwfishinkuba ay bulshadu leedahay, ee aanu u adeegin oo kaliya hadba ciddii kursiga Madaxtinimada dalka ku fariisata iyo in aanba loo socon oo la iska indha tirayo xaqiiqda jirta.
Munaasabad si wayn loo soo Agaasimey oo aan hubo in lagu bixiyey kharash badan oo mudnaa in lagu bixiyo meelo kale ayaa loo qabtay sanad guurda 66-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska Raadiyo Muqdisho, waxaa ka soo qayb galay Madaxda dalka oo aan u kala harin, oo uu wehliyo Duqa Magaalada, lakiin waxaan aad uga xumaaday in aaney jirin cid carabka ku dhufatay in aan u baahanahay Warbaahin ilbax ah oo loo siman yahay, shaqsi walbana xaqiisa siisa.
Raadiyo Muqdisho iyo Talefishinka Qarankuba waxa ay tebiyaan Safarada, Imaanshaha, Booqashada, Kulamadda iyo Xarig ka jarista Madaxda Dowladda sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Gudoomiayha Baarlamaanka, Wasiirdda Xukuumadda IWM. Taasuna haddii si loo fiiriyo waxay noqoneysaa marain habaabin sababtoo ah Muwaadinka Soomaaliyeed waxa uu xaq ugu leeyahay Warbaahinta dowlada (Raadiyaha iyo Telefishinka) in uu ka helo ama ka ogaado wax walba oo dalka ka jira.
Waxaa isweydiin leh waxa laga doonayo iney Warbaahinya dowladu tebiso?, waxaa laga doonayaa iney tebiyo Horumarada jira, sidoo kale dhibaatooyinka iyo caqabadaha jira si loo helo xalka kama dambeysta ah. Waxaa kaloo isweydiin leh sida laga doonayo iney Raadiyo Muqdisho iyo Telefishinkuba u shaqeeyaan? waxaa laga doonayaa iney u shaqeeyaan sida Warbaahinta gaarka ah loo leeyahay oo kale, ayna dowladdu maamusho oo loo ogolaado inay ku dhiiradaan sheegidda ama tebinta waxyaabaha ay dowladu ku dhaliilan tahay.
Waxaa wax laga xumado ah in aan weli laga faa’iideysan Khubarada ka socotay Ururka Saxaafadda Finland oo qalabeeyey Telefishinka Qaranka tababarana siiyey qaar ka mid ah Saxafiyiinta ka hawl gala Warbaahinta Dowladda, waxayna dalkooda geeyeen Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta si uu u soo arko sida ay Warbaahinta Finland oo ay dowladdu maamusho uga madax banana tahay Siyaasadda dowladda.
Gebagebadii waxaa wax lagu farxo ah in madxda Qaranka ee Maanta ay ka yimaadeen wadamo Ilbax ah oo Warbaahinta loo siman yahay iyadoo dhexdhexaad ka ah dhinacyda is diidan ee isku haya Siyaasadda, sidaa si la mid ah waxaan ka dooneynaa madaxdeena in Warbaahinta Dowladda la madax baneeyo si ay u tebiso waaqiciga jira oo aan uga mid noqonno dalalka Ilbax ah.
W/Q:-Cabdinasir Xersi Iidle
Mail. Naasirx1@gmail.com
Tel. 00252-615503978