R W Cabdiweli oo saaka dalka kusoo laabtay & isbadello ka dambeeyey

Mareeg.com: R/wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, iyagoo kazoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wafdiga R/wasaaraha ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay R/wasaare ku xigeenka, xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno iyo dadweyne farabadan.

R/wasaare Dr. Cabdi weli Sheekh Axmed oo uu wehliyo wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa safar shaqo ku tegay wadamada Ingiriiska iyo Norwey.

R/wasaare Cabdi Weli oo la hadal hayo inuu isku shaandheyn ku sameyn doono golaha wasiirada ayaa saaka Muqdisho kusoo laabtay xilli intii uu maqnaa la magacaabay Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo gudoomiyaha maxkada sare ee ciidamada qalabka sida.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245