R W Cabdiweli oo Addis Ababa uga qeybgelaya shir ku saabsan qaxootiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

R W Cabdiweli oo Addis Ababa uga qeybgelaya shir ku saabsan qaxootiga

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaaraha Xuuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Godax Bare, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiri galinta Maalgashiga Cabdiraxman Ducaale Bayleh iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Axmed-Daahir Cabdikarin Nuur, ayaa shalay galab gaaray magaalada Addis Ababa, si ay uga qayb galayaan shir ay soo qaban qabisay Hay’ada Qaxootiga Aduunka (UNHCR)

Shirkaan oo maanta furmaya ayaa waxaa ka soo qayb galaya wadamada gobolka sida Yeman,, Jabouti, Ehtiopia, Kenya iyo Ugandha, iyo Hay’ada kale oo caalami ah. U jeedada shirkaan laga leeyahay ayaa ah, si ay dowlada Soomaaliya ugu muujiso caalamka sida ay u go’an tahay in xal waara loo helo qaxootiga Soomaaliyeed oo ku nool wadamda dariska ah.

Shirkaan ayaa la filayaa in laga soo jeedayo firkarado xal u keenaya qaxootiga Soomaliyeed iyo in wadamada gobolku ay ka qaataan u jeedo midaysan. Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu dadaal u gali doonaa sidii caalamka looga dhaadhicin lahaa in dowladda Soomaaliya gacan laga siiyo sidii Qaxootigu dalkooda ugu soo noqon lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa siinaysa shirka muhiimad gaar ah, madaama Qaxooti Soomaaliyeed oo tiro badan ay ku sugan yihiin wadamada dariska ah, taas oo culays ku ah gobolka iyo dowlada Soomaaliya

–DHAMAAD–

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!