R W Cabdi Weli Sheekh oo gaaray Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

R W Cabdi Weli Sheekh oo gaaray Baydhabo

Mareeg.com: Wafdi uu hoggaaminayo raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa barqadii maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo kula kulmaan xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa oo horey ugu sugnaa magaalada.

Booqashada raysul wasaaraha ee Baydhabo oo ahayd mid aan horey loo shaacin ayaa la rumeysan yahay inay la xiriirto dadaallada socda ee maamul u sameynta gobollada koonfur galbeed Soomaaliya.

Raysul wasaaraha ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu booqasho ku tego degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, halkaas oo dhowaan lagala wareegay Al-Shabaab.

Weriyeyaasha ayaa loo diiday inay gaaraan garoonka diyaaradaha Baydhabo, halkaas oo uu ku sugan yahay raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo Gudiga maamul u sameynta saddexda gobol ayaa hora u joogay Baydhabo, iyadoo laga hadlayo maamul u sameynta Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Ilaa 20-xildhibaan oo uu hogaaminayay Gudoomiyihii u hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan ayaa shalay ku biiray wafdigii uu hogaaminayay Prof. Jawaari ee ku sugnaa magaalada Baydhabo, iyadoo ay qeyb ka yihiin wada hadalada lagu xalinayo khilaafka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!