R W Cabdi Weli Sheekh oo gaaray Baydhabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

R W Cabdi Weli Sheekh oo gaaray Baydhabo

Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa goor dhow ka degay magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.

Waxaa raysul wasaare Cabdiweli ku wehliya safarkiisa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, waxaana garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda iyo dadweyne.

R/wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa ka qeybgelaya munaasabadda furitaanka shirweyne dib loogu heshiisiinayo beelaha dega Baay iyo Bakool.

Shirkaan oo uu dhawaan ku baaqay gudoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmahaan Baydhabo joogay ayaa la silayaa inuu socdo muddo 45 cehso ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!