R W Cabdi Weli oo kusoo jeeda dalka Norway
Mareeg.com: R/wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimco ah uu gaaro dalka Norway, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaas.
Ridwaan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka xukuumadda federaalka ee Soomaaliyaayaa ayaa sheegay in Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa ay madaxda dalkaasi kala hadli doonan sidii dowladaasi ay gacan ugu geysan laheyd dib u dhiska iyo horumarrada kale ee dalka.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in dalka Norway ay ka mid tahay dalalka Soomaaliya ka taageera dhinacyada dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo horumarrada kale.
R/wasaare C/weli iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay dalka Ingiriiska uga qeybgalay shir looga hadlayay dib u dhiska ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.
Mareeg Media
Comments are closed.