R W Cabdi Weli oo aqbalay is casiladaada wasiirkii Amniga Qaranka

Muqdisho – Mareeg.com: Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa aqbalay is-casiladii uu xalay ku dhawaaqay wasiirkii amniga Qaranka Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed, kadib markii Alshabaab shalay weerar khasaare badan geystay ku qaadday baarlamaanka Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare Cabdiweli uu oggolaaday is-casilaadda wasiirkii amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, wuxuuna ku tilmaamay tallaabo geesinimo leh.

“Waan ka aqbalay is-casilaadiisa wasiirka amniga Qaranka, wuxuu ahaa muwaadin u shaqaynayay sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen ammaan, waxaana ka rajaynayaa inuu la sii shaqeyn doono dowladda, si looga fa’iideysto khibradiisa shaqo,” ayuu yiri ra’iisul waasare C/weli Sheekh.

R/wasaare C/weli Sheekh ayaa xusay inuu si dhakhso ah u soo magacaabi doono ciddii beddeli laheyd wasiirka iscasilay.

Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed ayaa xalay si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu xilkaas iska casilay kadib markii shalay ku dhawaad 20 ruux oo isugu jiray Alshabaab iyo ciidamada amaanka ay ku dhinteen weerar lagu qaaday xarrunta golaha shacabka.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245