Qurbojoog Soomaaliya Oo Doonaya Iney Dayactiraan Safaaradda Soomaaliye Ee Beljimka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qurbojoog Soomaaliya Oo Doonaya Iney Dayactiraan Safaaradda Soomaaliye Ee Beljimka

Brussels – Mareeg.com: Qurbo-joog Soomaaliya ayaa doonaya iney dayactir ku sameeyaan safaaradda Soomaaliya ku leedahay dalka Beljimka, taasoo burbursaneyn muddo ka badan 20 sano oo dalka Soomaaliya dagaal ka jiray.

Danjiraha Dowlada Federalka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub iyo dalka Belgium, Dr. Cali Saciid Faqi ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Brussels ku qaabilay Qurbojoog Soomaaliyeed oo ka kala yimid wadamada Britian iyo Netherlands (Holland), kuwaasi oo halkaa u tegay sidii ay u indha-indheen lahaayeen xaaladda ay ku sugan tahay dhismaha Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Belgium, taasi oo bur bur uu ka muuqdo, isla markaana u baahan in lagu sameeyo dib u dayactir.

La taliyaha 1-aad ee safaaradda Soomaalida ee Belgium, (First Counselor) Cali Maxamed Abuukar (Cali Wolf), Axmed Warsame iyo Bilyaardi oo iyagu ka mid ah Howlwadeenada Safaarada, ayaa qeyb qeyb ugu soo wareejiya xubnihii halkaasi booqday dhismada Safaarada, waxaana halkaasi warbixin la xariirta xaaladda ay xilligan ku sugantahay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Belgium ka jeediyay Danjire Cali Saciid Faqi, waxa uuna sheegay in dhismaha Safaarada uu yahay mid u baahan dib u dayactir qarash fara badan ku baxaya, taasi oo awood ahaan xilligaan Maamulka Safaaraddu aysan awoodin, balse ay tahay wax lagu farxo in Muwaadiniin Soomaaliyeed ay soo booqdaan xarunta Safaarada si ay indhahooda ugu arkaan bur burka heysta dhismaha, isla markaana ay soo jeediyaan fikirkooda ku aadan sidii ay gacan u siin lahaayeen Qarankooda.

“Runtii maanta waa ii farxad in aan arko muwaadiniin Soomaaliyeed oo dhahaya waxaan dooneynaa in aan gacan idin ku siino sidii dib u dayactir loogu sameen lahaa dhismaha Safaarada, bishii December ayey aheyd markii aan magalada Amsterdam kaga qeyb galay Cayaaraha HIRDA AFT, waxa ayna taladaan ah in lasoo booqdo safaarada oo la indha indheeyo gacanna laga geysto dib u dhiska dhismaha Safaarada ka timid, Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Bashiir Mursal Ciise Bootaan, waana ku faraxsanahay in maanta fikirkii iyo taladii mar kale la isugu yimaado xarunta Safaarada gudaheeda ” Ayuu yiri Dr. Cali Saciid Faqi.

Danjire Faqi oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan dareemayaa in weli ay jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo dareemaya in dhismahaan ay iyagu leeyihiin, inta aynu dad shisheeye tuugsan laheyn waxaa inoo haboon in aynu jeebkeena gacanta gelino haba noo yaraatee, ma sahlana in mar qura dib u dhis aad u xoogan lagu sameeyo dhismaha Safaarada hadii aysan jirin awood dhaqaale aad u xoogan oo ka imaanaya dhinaca Dowlada Soomaaliya, balse hadii ay talaabo la taaban karo qaadaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan caalamka, waxaa hubanti ah in wax un ay iska badali karto xaalada ay xilligaan ku sugan tahay dhismaha Safaarada, Shalay qof kale ayaa joogay halkaan, maanta aniga ayaa safiir ka ah, berri waa la iga badalaya, taasi waxa ay kuu muujineysaa in cid gaar ah aysan laheyn dhismahaan, islamarkaana uu yahay dhisme Soomaaliyeed oo u baahan in Qarankii lahaa ay dib u dhistaan islamarkaana gacmaha is qabsadaan”.

Macalin Xasan Faarax Joon oo barre ka ah dalka Britian, islamarkaana ka tirsanaa dadkii booqday xarunta dhismaha Safaarada ee Belgium ayaa sheegay in xilligan la joogo xilligii ay Soomaalida gacmaha is qabsan laheyd iskuna tashan laheyd, islamarkaana badbaadsan laheyd waxii Qaran ahaan ay u leeyihiin “Hadii aynu nahay Jaaliyadaha Soomaaliyeed runtii wax yaabo badan ayaan gacan ka geysanay hadii ay noqoto dhismo Masaajid, dhismo waddooyin iyo garabsiin walaal Soomaaliyeed, balse Maanta waxaa inoo baahan gurigeenii aynu xaqiiqda u laheyn, waana wax inagu waajib ah in aynu dhamaanteen gacan ka geysano dib u dayactirka dhismaha Safaarada”Ayuu yiri Macalin Joon oo Soomaalida Qurba joogta ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Tabarucaada la doonayo in loogu qeyb qaato dib u dhiska Saafarada.

“Waxeynu ka kala nimid guryo kululeelso ay ku jiraan oo aynu inagu laheyn, waxan joognaa dhismihii runta ahaa oo aynu inagu leenahay, waxaan dareemeynaa qaboob iyo bur-bur, runtii Mas’uuliyiinteena halkaan iyado qaboob ah oo jaakadahooda ugu jira ku shaqeeneysa ee u fadhiya in ay warqadaha inoo sameeyaan, oo u fadhiya in dowladda Soomaaliya, tan Belgium iyo Midowga Yurub isku xiraan, Howsha ay hayaan waa howl adag, dhismahaan rag baa soo bad baadiyay oo uu ugu horeeyo Axmed Warsame, Maanta rag baa ku shaqeenaya, iyadoo xaaladaan adag ay ka jirto, hadii aynu indhaha ka daboolano runtii waa wax inagu ceeb ah, waa qof waliba in uu dareemaa wajibka saaran oo aynu dhamaanteen ka qeyb qaadanaa dhismaha Safaarada” ayuu yiri Salah Hassan Omer (Salah Dheere) oo ka tirsanaa dadkii halkaasi booqday ee ka yimid Netherlands.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii booqday xarunta Safaaradda ayaa si wada jir ah isugu raacay inay aad u soo dhaweynayaan qorshaha ku aadan dib u dhiska Safaaradda.

Safiirka ayaa uga mahadceliyay booqashada ay dadkaasi ku tageen xarunta Safaaradda. Dhismaha safaaradda ayaa horay booliska dalka Beljimka xoog uga saaareen dad qaxooti ah oo deganaa.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!