Qoys Weeraray Nin Gabar ka guursaday Magaalada Muqdisho
Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa saakay soo badbaadiyay nin weerar kala kulmay qoys uu gabar ka guursaday Magaalada muqdisho.
Ninka la wareeraray ayaa loogu tagay garaash gaadiidka lagu sameeyo oo ku yaalla agagaarka isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid waxaana soo gaaray dhaawacyo kadib markii Mindi, Faas iyo agabyo kale ku dhaceen.
Ciidamo boolis ah oo ka agdhawaa goobta uu weerarka ka dhacay ayaa badbaadiyay ninkaan Alle ka Soke sida ay ii sheegeen dadka degaanka.
Saraakiil ka tirsan Booliiska degmada Yaaqshiid iyo maamulka degmada ayaa ii xaqiijiyay falkaan ka dhacay Fagax waxayna sheegeen in ay baaritaan wadaan.
Comments are closed.