Qoxooti Soomaaliyeed oo kasoo Laabtay Kenya oo Maanta la keenay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qoxooti Soomaaliyeed oo kasoo Laabtay Kenya oo Maanta la keenay Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa laga soo dajiyay Maanta Qoxooti kale oo kasoo laabtay Dalka Kenya, kuwaasoo ahaa 47-qof oo ka koobnaa Sagaal Qoys oo ka mid ahaa Soomaalidii ku nool Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Soomaalidan soo laabtay oo ay keentay diyaarad laga leeyahay dalka Kenya ayaa Waxaa dib u soo laabashadoodan Gacan ka geysatay Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee UNHCR, waxayna u badnaayeen Dumar iyo Carruur.

Qaar ka mid ah Qoxootigan Sooaaliyeed ee dalkooda kusoo laabta oo Kooxo War-fidiyeen ah kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa xusay inay aad ugu faraxsan yihiin in Waddankooda Hooyo ay kusoo laabtaan kaddib sanado fara badan oo ay ku noolaayeen Qoxootinimo.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakcayaasha Soomaaliya, Axmed C/kariin Nuur ayaa sheegay in dadka Waddankooda dib ugu soo laabtay aysan jirin cid ku khasabtay inay soo laabtaaan; balse ay iyagu doorteen inay kusoo laabtaan dalkooda.

“Dadkan Soomaaliyeed iyaga ayaa doortay inay dib u soo laabtaan waddankooda iyadoo aysan jirin cid ku khasbtay, kaddib markii ay dareemeen Nabadgelyada dalkooda ka jirta. Waxaan Dadkan si toos ah uga yimaadeen Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya,” ayuu yiri Axmed C/kariin.

Ugu dambeyn, Waa markii labaad oo Dad Soomaaliyeed oo ka mid ahaa kuwa ku nool Xeryaha Dhadhaab-Kenya ay Soomaaliya dib ugu soo laabtaan, iyadoo 05-tii Bishaan ay ahayd markii laba diyaaradood oo sida Boqolaal Soomaali ah ay kasoo dagtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2015/Aug/wararka_maanta12-92609.htm#sthash.gWjDJexW.dpuf

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!