Read Time:57 Second

muqdisho ( mareeg news ) Wararka ayaa sheegayo inay Xildhibaanadaas sheegeen inaysan gudaha u geli karin Xarunta haddii aanan laga soo saarin Ciidamada hubeysan ee ay wasaarada amniga Geeysay  xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaanadaan ayaa dib ugu laabtay hoteeladii iyo guryihii ay ka imaadeen kadib markii ay sheegeen inaysan naftooda halis gelin karin.

Xildhibaanada kasoo horjeedo Jawaari ayaa iyagana sheegay inay hub la geli doonaan Xarunta baarlamaanka haddii aan kuwa Xukuumada keentay laga soo saarin.




Balse arrintaas waxaa diiday Ciidamada AMISOM oo sheegay inaysan macquul aheyn in laba ciidan oo iska soo horjeedo isla galaan Xarunta waxayna sheegeen inay ku hoolan yihiin sidii ay kuwa gudaha ugu jiro ay uga soo saari lahaayeen.

Waxaa muuqato inuu kulankii Maanta fashilmay isla markaasna uu hirgali waayay Qorshihii garabka  taagersan Xukuumada  oo ahaa in laga shaqeeyo sidii kulankaan loo Qaban lahaa.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka oo la hadlay warbahinta ku sugan xarunta baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay in Xukuumada & madaxweynaha ay Xarunta Golaha shacabka  galeeyaan ciidamo aad u hubeeysan iyo in ciidanka qaranka loo isticmaalo duminta golaha sharci dejinta Dalka Tahay sharci daro iyo dastuurka oo lagu xad gudbay.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %