Qorshe lagu kordhinayo Dakhliga dowlada oo la soo bandhigay & RW ku-xigeenka oo ka hadlay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qorshe lagu kordhinayo Dakhliga dowlada oo la soo bandhigay & RW ku-xigeenka oo ka hadlay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dakhliga iyo dhaqaalaha Soomaaliya, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Aduunka, waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Ganacsiga, Agaasimaha Guud ee Maaliyada, Shirkadaha Ganacsiga, gobolka Banaadir, Jaamacadaha dalka iyo madax ka socotay Bankiga dhaxe.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaliya oo kulan ka furay ayaa ka warbxiyay dakhliga soo gala dalka iyo isbdelka ku dhacay dhaqaalaha Soomaaliya, waxuuna caddeeyay in sanooyinkii danbe la dareemayay koror dhaqaale, taasina wuxuu u sababeeyay sida ay u wada shaqeynayaan ganacsatada iyo dawladda dhaxe, balse waxuu tilmaamay in aan wali la gaarin meeshii loo baahnaa.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in Ganacsiga Soomaaliya intiisa badan uu yahayn mid ku tiirsan dalka dibadiisa, waxuuna sheegay in xukuumadu samaynayso siyaasad ay ku kordhinayso dakhliga iyo dhaqaalaha dalka, iyadoon aan la kordhin canshuurta, balse shacabka Soomaaliyeed ayuu u soo jeediyay in ay bixiyaan canshuuraha si dawladu ay u fuliso adeegyada bulshada dalkuna uu horumar u gaaro.

“Sharciga canshuur bixinta Soomaaliya waa mid gaboobay, waxayna u badan tahay in dib loo eego si loola jaan qaado caalamka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Madaxdii lagu marti qaaday shirka ayaa dhamaantood iksu raacay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay sadexdii sano ee ugu dambeeyay, waxayna soo jeediyeen in la dhiirigaliyo wax soo saarka dalka, sidoo kalena la abuuro fursado Ganacsi.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!