Qorshe Khatar ku ah jiritaanka Maamulka  Galmudug & Cabsida Siyaasadeed Ee Dowlada...... — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qorshe Khatar ku ah jiritaanka Maamulka  Galmudug & Cabsida Siyaasadeed Ee Dowlada……

Cadaado ( Mareeg News ) Halis xoogan ayuu wajahayaa maamulka galmudug waxaana ku fool leh dufaan siyaasadee oo xoog leh Taasoo laga cabsi qabo in ay sababsadaan madaxda maamulka galmudug oo uu ugu horeeyo madaxweyne Ahxmed ducaalle geelle Xaaf.

khilaafka galmudug oo Lagu xaliyay in maamulka ahlu suna lagu daro baarlamaanka Galmudug taasna ay tira xoogan ku kordhisay baarlamaanka maamulka galmudg ayaa waxaa   hada soo if baxaya qorshe ka dhan ah Ahlusuna iyo sidii looga saari lahaa Baarlamaanka galmudug ama loo yareen lahaa tiradooda.

Xildhibaano badan oo xiriir laleh dowlada federalka gaar ahaan xafiiska RW kheyre oo uu hor boodaayo Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Gallmudug ayaa waxeey shalay magaalada dhuusa mareeb uga dhawaaqeeyn arin lidi ku ah maamulka galmug sida ay Shabakada mareeg kasoi xigatay Qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug.

MADAXWEYNE AHMED DUALLE GELLE XAAF

https://youtu.be/lbCYgnZWs6Q

madaxweeyne xaaf oo si kulul uga hadlay arintaan ayaa sheegay in arinkan ay dabada ka riixeeyso doowlada federaalka Taas uu yiri horayba waxaan uga bad baadinay jiritaanka galmudug, Xaaf ayaa yiri ” Waxii lagu hishiiyay waxaa lagu Fashilinayaa muqdisho”

maxaa laga damacsanyahay Galmudug?

Caqabada ugu weeyn ee maamulkan heysata ayaa ah inuhna aheeyn maamul leh madax isku xeran isku mooqifna ah sida maamulada kale, sidoo kale maamulkan galmudug malaha kaabeyaal dhaqaale oo ay iyagu maamulaan dhaqaalaha maamulkan lagu maamulana waxuu kasoo galaa Dhanka dowlada federalka.

Dowlada fedrralka oo aaminsaneenyn mabda’a ah  in uu jiri urrur Siyaasadeed Sameeyn yeesha ayaa ahlu suna u  aragta ineey khatar ku tahay siyaasada dowlada dhexe sidaa darteedna lama jaxaabiyo maamulka galmudug si loo kala Furo xildhibaanada maamulka Galmudug ee ka tirsan ahlu suna.

Xafiiska Rw Xasan kheyre ayaa inta badan loo Aaneeyaa inuu ka dambeyo isku dhacyada siyaasadee ee madaxda maamulada dalka ka dhex aloolsama welina xafiiska Raisul wasaaraha kama jaabin.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!