Qormo: Jahaweerarka siyaasadeed ee hogaanka Dowladda Federalka iyo xalka ugu haboon * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qormo: Jahaweerarka siyaasadeed ee hogaanka Dowladda Federalka iyo xalka ugu haboon

Baarlamanka Soomaaliya oo galay fasax aan mudeysneen,shaqadii doorashada oo aan socon iyo tusaallaha muddo kororsi ee uu soo bandhigay Madaxweyne Laftagareen,dhamaan waxeey cadeyn weyn u tahay muddo korarsiga uu wado Farmaajo iyo duulka Villa Somalia.

Covid-19,adduunka oo dhan ayuu sameyn ku yeeshay,hasa haate ma jiro wadan baarlamankiisii kala diray,laakiin arrin waxeey u gaartay Dowlada Soomaaliya, sidoo kale waxaa si caadi ah u istaagtay,mar hadii la fasaxay baarlamankii dib u eegistii dastuurka dalka,wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland.

In ka badan 5-billood ayaa ka harsan waqtiga shaqa heynta baarlamanka labadiisa Aqal,hadaba adigoo maskaxdaada shaqa galinya,suuragal ma tahay in doorasho la qaban karo?

Aniga ahaan jawaabteydu waa “maya” sababtoo ah,Villa Somalia waxeey shaqadii ka joojisay guddiga doorashooyinka qaran, waxaa la kala diray guddigii dhameystirka xeer doorashooyinka qaran,Turkiga waxaa lagu xayiray Mursal iyo Cabdi Xaashi iyo guud ahaanba waxaa lasoo gunaanaday dhaq dhaqaaqii doorasho ee socday.

Yaanan ka tagin ilaa iyo hada ma jirto wax wadatashi siyaasadeed ah oo lala yeeshay Madasha Xisbiyada qaran,xal loo ma helin Khilaafkii dowlada iyo Jubbaland,Puntland wali waxbaa ka salagle.

Tan kale shalay Baarlamanka Koonfur galbeed oo ah dhamaantood shaqaalaha Xafiisyada Farmaajo iyo Kheyre ah ayaa si hor u dhac ah u soo sahmiyey,una soo bandhigay qorsha muddo kororsi ee Farmaajo,kadib markii ay 1-sano ugu dareen waqtigiisa Cabdicasiis Laftagareen.

Maxaa kale oo aadan ogeyn oo hada socda?

Duulaankii ugu dambeeyey ayeey Villa Somalia waqtigan ku heysaa Hir-shabelle,iyagoo iska horkeeneysa Waare iyo guddomiyaha baarlamanka,sababtu waxa weeye si muddada sanadka ah ee Farmaajo loogu darayo uu kufsi siyaasadeed kaga geysto Jowhar!!!

Tallo iyo soo jeedin wanaagsan.

Soomaaliya waa dal dimuquraadi ah,misna aan aqbaleynin in lagu dhaqo nidaam kalitalisnimo siyaasadeed,waxaan falanqeenteyda ku soo gabagabeenayaa,dalkan iyo dadkii waxa kaliya ee ay isku raacsan yihiin,heshiisna ku yihiin ayaa ah in 4-tii sanaba mar la qabto doorasho.hadii taasi ay dhaciweyso waxaan ka baqayaa in uu dhaco qalalaaso siyaasadeed oo sababi doono in dalka dibadiisa laga soo go’aamiyo masiirka Ummada Soomaaliyeed.

In aan qormadaan noocaan ah u soo bandhigo bulshada,waxeey ka dhigan tahay in bulshada Soomaaliyeed ee caqliga u saaxiibka ah in aan ka wacyigaliyo dhanka joojinta colaadaha,ku wargalinta in ay xogeysteen Al-Shabaab,suuragalna ay tahay in ay kororto dhibaateynta Shacabka.

Mar hadii ay gabtay waajibaadkeeda NISA oo ka waranta kaliya khilaafka madaxda Al-Shabaab, waa fashilka hogaanka Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Khayre

Madaxweyne Farmaajo xilka ku wareeji sidii laguugi dhiibay,dalka iyo dalkana u tur. Waa hadii ilaahay ku hagaajiyo Talada hoosan

Waxaa qoray Danjire Mahamed Nor Caalim

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!