Qoraa C/qaadir Oromo oo ku geeriyooday London

Mareeg.com: Waxaa fiidnimadii xalay ku geeriyooday Magaalada London ku geeriyooday ALLAHA u naxariiste Qoraagii Soomaaliyeed ee C/qaadir Cusmaan “C/qaadir Aromo”.

C/qaadir Oromo ayaa isbitaal ku yaalla Lonodon ugu geeriyooday xanuun muddo hayey, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa.

Qoraagan ayaa wuxuu qoray intii uu dalku ku jiray burburka buugaag fara badan oo ay ka mid ahaayeen; Sababihii Burburka Somalia.Tiirkii Colaadda. Sooyaalka Soomaaliya, Hadimada Gumeysiga, Taangiga Tigreega iyo kuwo kale oo fara badan.

Sidoo kale, wuxuu lahaa buugaag iyagana uu si gaar ah uga hadlayo dadka Soomaaliyeed iyo dhibaatada dhexdooda taalla, waxaana ka mid ahaa; Ilmo Dahabo Tool-moon, Salaamullahaa Calal Xujaaj, Dhagax Kariye iyo Been Dhoobe, Toban Kunleey iyo kuwo kale.

Marxuumka ayaa intii ay dagaallada sokeeye socdeen wuxuu qaybo ka mid ah noloshiisa ku qaatay Muqdisho, inkastoo uu deggenaa magaalada uu ku dhintay xalay ee London.

Oromo wuxuu lahaa taagerayaal iyo mucaarad, waxaana dad badan aaminsanayaan in qoraallada uu sameeyey ay inta badan u xaglinayeen beelo gaar ah, weerarna ku ahaayeen beelo kale.

Mareeg Meida

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245