Qoraa Aw-jaamac Cumar Ciise Oo Xalay Ku Geeriyooday Jabuuti
Jabuuti, Mareeg.com: Allaha u naxariistee, qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed Aw-Jaamac Cumar Ciise ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti oo uu ku xanuunsanayay muddooyinkii la soo dhaafay.
Waxaa geerida Aw-jaamac warbaahinta u xaqiijiyey Maxamed Macallin Cismaan oo ah weriye madax-bannaan oo jooga Jabuuti.
Wuxuu ahaa suugaanyahan aqoon u leh taariikhda, dhaqanka iyo af-Soomaaliga, wuxuuna si aad ah ugu ololeyn jiray horumarinta dhigaalka far-Soomaaliga.
Aw-Jaamac oo ahaa taariikhyahan Soomaaliyeed ahaa oo qoray buugaag farabadan oo mid ka mid ah uu ku saabsanaa taariikhdii Daraawiishta iyo gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.
Aw-jaamac ku dhashey baadiyaha magaalada Qandala ayaa geeriyooday, iyadoo da’diisu kor u dhaaftay 90 sano.
Muddooyinkii u danbeeyey nolishiisa waxa uu ku qaatey dalka Jabuuti kadib markii uu halkaas dejiyey Madaxweynaha jabuuti ismaaciil Cumar Geele, si uu fursad ugu sii helo waddida shaqadiisi qoraaga ahayd.
Mareeg.com
Comments are closed.