Qoorqoor oo magacaabay Taliska Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qoorqoor oo magacaabay Taliska Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay Taliska guud ee Ciidamada Daraawiishta Maamulka Galmudug.

Madaxweynuhu: Markuu arkay; awoodda uu siinayo dastuurka & ahhmiyada ay leedahay in la  magacaabo taliska guud ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Markuu La-Tashaday; Madaxweyne-ku-xigeenka, tixgeliyeyna aqoonta iyo waaya-aragnimada ay u leeyihiin maamulka ciidanka, howlaha amniga iyo deegaanka

Wuxuu u magacaabay saraakiishan;

1-G/le Sare Maxamed Nuur Cali (Gadaar), Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Maamulka Galmudug.

2-G/le, Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre), Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Ugu danbayntii, waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.