Qoorqoor oo Maanta safar Deg-deg ugu ambabaxaya Magaalada Dhuusamareeb

Read Time:46 Second

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa Maanta waxaa ku wajahan Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor muddooyinkii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho,

Madaxweyne Qoorqoor ayaa muddo 45 cisho u jooga Muqdisho dadaalka loogu jiro xal ka gaarista khilaafka doorashada Soomaaliya iyo ka qeyb galka Shirar looga hadlayo sidii xal buuxa Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay u gaari lahaayeen.

Dastuurka u yaalla dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhigaya in Madaxweynaha maamulka uusan degaanka ka maqnaan kari 45 cisho, waxaana Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ay tegi doonaan Dhuusamareeb.

Soo dhaweynta Madaxweyne Qoorqoor ayaa haata ka socota Caasimadda Maamulka, waxaana inta uu ku sugan yahay halkaas uu kulan la qaadan doonaa Madaxweyne ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wasiirada.

Shirka hordhaca ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad ku soo dhamaaday, iyadoo aan wax natiijo ama horumar la gaarin, waxaana la isku soo laaban doonaa maalinta Talaadada ah.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.