Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ” Qoor qoor” ayaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu soo gudbiyo liiska Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare.
Shalay ayay aheyd markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlad Gobaleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal uu Magacaabay Xubnaha guddiga qabashada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnahan oo ka kooban 12 Xildhibaan ayaa waxaa ay ka shaqeyn doonaan qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya Galmudug. Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku qulqulaya Senataro doonaya in ay ka mid noqdaan xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya
Muqdisho-Somalia