Qodobo fulin u baahan oo uu soo saaray maamulka gobolka Banaadir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qodobo fulin u baahan oo uu soo saaray maamulka gobolka Banaadir

Mareeg.com: Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen guddoomiyaha gobolka Banaadir, Xasan Xuseen Muungaab iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhawr ah oo ay tahay in durba la hawlgaliyo.

Qodobada kulanka laga soo saaray, balse fulinta u baahan ayaa waxaa ka mid ah bilaabista olole balaaran oo nadaafadeed, dib u dhiska suuqyada iyo hawlgalintooda iyo jarista dhirta sida qaldan u baxday.

Sidoo kale, qodobada kasoo baxay kulanka dhexmaray Muungaab iyo gudoomiyaash degmooyinka ayaa ayaa ka mis ah isu celinta hantida la kala heysto, dardargalinta hawlaha dariseynta, tirakoobka guryaha xaafadaha iyo waliba ka hortagista waraaqaha been abuurka ah sida kuwa lahaanshiyaha dhulka iyo shahaadooyinka.

Maamulka gobolka Banaadir ee xilligaan jira ayaan qaban wax weyn oo muuqda, marka laga reebo dhowr guri oo loo celiyey dadkii lahaa.

Qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa muddo ka badan bil u go’an biyaha roobka oo jaray, mana jirto wax maamulka gobolka ka qabtay, iyadoo la ogyahay in gaadiidka dadaweynaha maalin kasta laga qaado lacago canshuur ah.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!