Akhri qodobada heshiis lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri qodobada heshiis lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya

Mareeg.com: 30-kii July 2014 waxaa magaalada Muqdisho laga shaaciyey in la dhisayo maamul mideeya gobollada Galgaduud iyo Mudug, waxaana halkaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Raysulwasaare C/weli Sheekh Axmed, wasiirro, xildhibaano, odayaal, wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD.

Qoraalka ku saabsan heshiiska maamul u smaeynat gobollada dhexe waxaa lagu sheegay in 6 xubnood oo xukuumadda Soomaaliya u saartay arrintan ay 2-dii July 2014 kulamo la bilaabeen dhinacyada maamulkaani khuseeyo.

Xubnaha xukuumaddu u xilsaartay hoggaaminta dhismaha maamulka gobollaada dhexe ayaa kala ahaa:

1. Cabdullaahi Goodax Barre, WasiirkaWasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka.

2. Mustafa Sheekh Call Dhuxulow, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinfa.

3. Ducaale Adarn Maxarned, Wasiirka Wasaaradda Hiddaha& Tacliinta Sare.

4. Mahad Maxarned Salaad, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigelinta Maalgashiga.

5. Axmed Cali Salaad, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta.

Sida lagu sheegay qorlaaka xukuumadda, markii guddigaas kulamo la yeesheen dhinacya uu khuseeyo maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu heshiiyey ilaa 11 qodob, kuwaasoo shalay la saxiixay, kalana ahaa:-

  1. In la dhiso maamul ay yeeshaan Gobollada Mudug iyo Galgaduud.
  2. In dhismaha maamulka ay ka qeyb qaataan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee wada dega Gobollada Mudug iyo Golgaduud.
  3. In la dhiso guddi farsamo oo ka kooban 25 xubnood oo ka socda dhammaan beelaha dega gobolladaas. Guddigaas farsamo waxaa lagu soo magacaabayaa toban maalmood gudahooda marka la saxiixoheshiiskaan.
  4. Maamulka la dhisayo isagoo matalaya dhammaan beelaha dega labadaas gobol wuxuu u hawlgeleyaa si wadajir ah in loola dagaalamo nabad-diidka goboladaasna lagu soo dabaalo nabad iyo xasilooni.
  5. Geeddi socodka dhismaaha maamulka waxaa lagu dhameystirayaa muddo ku siman 60 maalmood, waxaana fududeynaayana XFS.
  6. In la qabto shirweyne ay u dhan yihiin dhammaan beelaha degan gobolada Mudug iyo Galgaduud si loo dhiso maamul goboleed ka kooban labadaas gobol.
  7. XFS ayaa mas’uul ka ah xaqiijinta, meel marinta iyo taabbogelinta heshiiskan, siinayana wixii tasiilaad ah.
  8. Shaqada iyo waajibaadka guddiga farsamada waxaa 500 diyaarinaya XFS, kuna 500 celinaya saxiixayaasha.
  9. Cid alla ciddii carqaladeysa hannaanka geeddi socodkaan waxaa loo aqoonsanayaa qas wade iyadoo logo qaadaayo tallaabada ku habboon.
  10. Heshiiskaan wuxuu dhaqan galayaa logo billaabo maalinta la saxiixo.
  11. Heshiiskan waxaa si wada jir ah u saxiixaya Dawlad Goboledka Galmudug, Maamulka Alsunna Wal Jamaaca, Maamulka Ximan & Xeeb, iyo 4 xubnood oo Golaha Wasiirrada ee ka soo jeeda Gobolladaas.

Heshiiskan waxaa saxiixay:

1- Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid (Galmudug)

2- ShekhIbraahim ShekhXasan Guureeye (Maamulka Alsunna Waljamaaca)

3- Cobdullahi Maxamed Cali (Baarleex) (Maamulka Ximan & Xeeb)

4- Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow (Xukuumadda Federaalka Soomaaliya)

5- Ducaale Adam Maxamed (Xukuumadda Federaalka Soomaaliya)

6- Axmed Cali Salaad (Taako) (Xukuumadda Federaalka Soomaaliya)

7- Mahod Moxamed Salaad (Xukuumadda Federaalka Soomaaliya)

Dammaanad-qaade: Xukuumadda Federaalka Soomaaliya: Cabdullaahi Goodox Barre, wasiirka arrimaha gudaha iyo arrimaha federaalka.

Waxaa goobjoog ka ahaa:

1- Safiir Michele Cervone (Ergeyga Gaorka ah ee Midowgo Yurub)

2- Safiir Mohammed Abdi Affey, (Ergeyga Gaorko oh ee Urur Goboleedko IGAD)

3- Safiir Nicholes Key (Wakiilka Gaarka ah ee Xoghoyaha Guud ee Qaramoda Midoobay).

4- Marwo Lydia Wanyoto Mutende (Siihayaha Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyiha Komishanka Midowga Afrika).

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadu inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay Masuuliyiinta maamullada gobollada dhexe doorkii hogaamineed ee ka qaateen in maanta la gaaro heshiis lagu unkayo maamulka bartamaha Soomaaliya oo ka kooban Mudug iyo Galgauduud.

“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dowladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, Xukuumaddaydu waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee galabta gaareen maamulladii ka jiray gobollada dhexe iyo hoggaamiyaashii dhaqanka, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska”

“Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo bilow u ah horumar waara oo laga gaaro maamulladii kala duwanaa ee ka jiray bartamaha Soomaaliya, heshiiskan wuxuu dhabaha u xaari doonaa Maamulka KMG ah oo ay ku midaysan yihiin dadka deegaanku” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!