QM oo meel marisay Go’aan diidaya Muddo kororsi ay sameysato DF * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

QM oo meel marisay Go’aan diidaya Muddo kororsi ay sameysato DF

Muqdisho ( Mareeg)-Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo shalay hadal ka jeedinayay Shirka Caalamiga ah ee New-Deal ayaa tibaaxay in Golaha ammaanka uu meel mariyay qaraar ku aadan in aanu mudda kororsi sameysan karin dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mr Key ayaa amaanay doorka horumarineed ee dalka uu uga tallaabsaday ammaanka , iyo adeegyada kale ee Bulshada hayeeshee wax weliba ay ku egyihiin waqtigii horay loogu asteeyay si isbedel loo helo.

Dhinaca kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Nicolas Key ayaa muujiyay in uu ka xun yahay in shirka aysan ka soo qeyb galin Maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Inta badan waxaa la sheegaa in Madaxda Soomaalida marka uu soo dhawaado waqtigii ay ka dagi lahaayeen xasaanadda ay sameystaan muddo kororsi taas oo xiisad siyaasadeed abuurta.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!