Mareeg Media
Somalia

QM oo digniin ka soo saartay Abaarta Somalia

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa lagu walaac looga muujiyay abaaro laga cabsi qabo in markale ay ku dhuftaan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay sheegtay in Shan milyan iyo afar boqol oo kun oo Soomaali ah ay wajahayaan xaalad cunno yari.

Waxaa xuseen loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in cunta yarida ay mar hore bilaabatay,isaga oo ka digay in waqtiga uu aad u yaryahay si loo gaaro dadka ay saameysay abaarta, waxaana uu intaasi raaciyay in Bisha soo socota ay xaalada aad uga sii dari karto.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in hadda kaliyA  la helay (Todobo  bolol iyo Toban Malyan) oo dollarka Mareykanka ah oo gar gaar deg deg ah loogu iibin rabo dadka ay abaarti saameysay ee ku nool Gudaha Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!