Qeybtii ugu horeysay Ciidamada Itoobiya oo Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qeybtii ugu horeysay Ciidamada Itoobiya oo Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa la geeyay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose, kuwaasoo bedel u ah Ciidamadii Seirra Leone oo horaantii sanadkan ka baxay Soomaaliya.

 

Ciidamada Seirra Leone ayaa Soomaaliya uga baxay markii dalkooda uu ka dilaacay cudurka Ebola, isla markaana la waayay ciidamo bedela, iyadoo Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ay diideen in Ciidamo bedela kuwii joogay laga keeno dalkaas.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubba ayaa xaqiijiyay in Ciidamadan Itoobiyaanka oo gaarayay illaa 250 askari ay horu dhac u yihiin illaa kun askari.

 

Ciidamadan ayaa la dejiyay Garoonka diyaaradaha Kismaayo, Dekeda iyo duleedka waqooyi ee magaalada oo fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

 

Markab gaadiid ciidan iyo qalab milateri u sida Ciidamada Itoobiyaanka ee shalay gaaray Kismaayo ayaa ku soo xirtay Dekeda.

 

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay kala qeyb qaadan doonaan Ciidamada Kenya iyo Ciidamada Jubbaland guluf dagaal oo qorshihiisa yahay in Al-Shabaab looga saaro deegaanada Jilib, Jamaame, Xagar iyo Bu’aale.

 

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maalmahan ku sugnaa magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.

 

Maamulka Jubba ayaa horay ugu ololeynayay in Ciidamada Itoobiya lagu bedelo ciidankii Sierra Leone ee ka baxay Kismaayo, inkastoo Siyaasiyiin Soomaali ah ay saluugsanaayeen.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa hada u muuqda kuwa ugu badan ee ku sugan Soomaaliya, marka laga reebo Ciidamada Uganda, waxaana horay Saraakiil ka tirsan AMISOM ay sheegeen inay jiraan Ciidamo aan ka tirsaneyn howl galka AMISOM ay ku sugan yihiin gobolada dalka.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!