Qeybtii Labaad Soomaalida Ka Cararaya Colaad Koonfurta Sudan Oo Laga Qaadayo Juba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qeybtii Labaad Soomaalida Ka Cararaya Colaad Koonfurta Sudan Oo Laga Qaadayo Juba

Juba, Mareeg.com: Qeybtii 2-aad ee Soomaalida ka baxsanaya coolaadda Koonfurta Sudan ayaa lagu wadaa in berry laga qaado caasimadda dalkaas ee Juba.

Safaaradda Soomaaliyeed ee wadanka Koofurta Sudan ayaa sheegtay in heer gabogabo ah ay marayaan howlaha dib loogu soo celinayo qeybtii labaad ee muwaadiniinta Soomaalida ee ku xaniban dalkaasi.

Xoghayaha koobaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koofurta Sudan Shaafici Nuur Calas, ayaa sheegay in safaaraddu ku howlantahay diiwaan gelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee weli ku go’doonsan dalkaasi si dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

Sidoo kale xoghayaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in dadkani ay noqon doonaan dufcaddii Labaad ee dib loogu soo celiyo dalkooda, kana kooban yihiin 131 ruux.

Horay ayaa dowladda Soomaaliya waxey magaalada Juba ee caasimadda Koonfurta Sduan kazoo qaaday ilaa 131 Soomaali ah, kuwaasoo isugu jiray dhalinyaro, haween iyo dumar.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More