Qeybtii labaad Soomaali laga masaafirisay Kenya oo gaaray Muqdisho

Muqdisho – Mareeg.com: Qeybtii 2-aad dad Soomaali ah oo Kenya kasoo msaafirisay dalkeeda, lagana soo qaaday magaalada Nairobi ayaa manta salaaddii duhur kadib ka degay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dadka laga masaafiriyey Kenya ee maanta oo khamiis ah la gaarsiiyey Muqdisho ayaa gaaraya ilaa 90 ruux oo isugu jiray dumar, carruur, dhallinyaro iyo dad waayeel ah. Dadka laga dejiyey garoonka Muqdisho ayaa waxaa ka muuqaday daal, iyadoo qaarkood ay wateen dharkii ay guryahay ku joogeen markii la xirayey.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa dadkan la socday, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

9-kii bishaan April ayaa dowladda Kenya waxey dalkeeda ka musaafirisay 82 Soomaali ah, kuwaasoo laga dejiyeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245