Qeybtii Labaad Ciidamo Itoobiyan Ah Oo Muddo 24 Saac ah Gaaray Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qeybtii Labaad Ciidamo Itoobiyan Ah Oo Muddo 24 Saac ah Gaaray Galgaduud

Dhuusamareeb – Mareeg.com: Qeybtii labaad ciidamada Itoobiya ee ku howlgelaya magaca AMISOM ayaa xalay tegay degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ee ka mid ah howl galka AMISOM ayaa fariisin ka sameystay Xerada 21-aad ee ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee ku taalla Dhuusamareeb.

Wararka ka imaanaya Galgaduud ayaa sheegaya in la sugayo iney Dhuusamareeb ku shiraan saraakiisha ciidamada Itoobiya, maamulka dowladda ee gobolka Galgaduud iyo hogaamiyaasha Ahllusuna Waljamaaca.

Kulanka ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro howlgallo ay dhunacyadaas qorsheynayaan oo laga fulinayo degmooyinka ka tirsan gobolka Galgaduud oo Alshabaab maamulaan.

Habeen hore ayaa qeyb kale oo ka tirsan ciidamad Itoobiya gaareen deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaasoo ay horay u deganaayeen ciidamo kale oo Itoobiyaan ah.

Lama oga qorshaha rasmiga ah ee wataan ciidamada Itoobiya ee labadii maalmood ee u dambeyey gaaray Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaase loo filayaa iney wadaan qorshe dagaal.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!