Qeybdiid: ” Dib u dhicii Gobollada dhexe daashaday ha loo noqdo cidna kama yeeleyno”. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qeybdiid: ” Dib u dhicii Gobollada dhexe daashaday ha loo noqdo cidna kama yeeleyno”.

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug ayaa waxa uu Ahlusunna Waljamaaca ugu baaqay in ay ku soo biiraan Maamulka Cusub ee Galmudug.

Mr Qeybdiid ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in Masuuliyiinta Maamulka Ahlusunna Waljamaaca waxyaabaha ay ka tabanayaan ay kala hadlaan Madaxweynaha Cusub Maamulka Galmudug oo sida uu sheegay diyaar u ah in uu kala hadlo cid kasta oo tabasho ka qabto Maamulkiisa si uu uga qanciyo.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi Qeybdiid ayaa carabka ku adkeeyay in aan Cidna laga yeeli doonin in Gobollada dhexe dib loo celiyo dhibaatooyinkii horay ay soo martay ee dib u dhaca ku keenay shacabka degan deegaanadaasi.

Cabdiqeybdiid oo ahaa Madaxweynihii Maamulka Galmudug horayna u soo noqday Taliyihii Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa hadalkaan waxa uu ka sheegay Munaasabad lagu caleemo saarayay Madaxweynaha Maamulka cusub ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed taas oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan oo uu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud , Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,iyo wufuud heer caalami ah ee ay ka mid yihiin Wakiilada Qaramada Midoobay iyo IGAD ee Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!