Qaxootiga Soomaalida oo lagu amray iney ka baxaan magaalooyinka Kenya

Read Time:1 Minute, 31 Second

Nairobi – Mareeg.com: Wasiirka Amniga gudaha dowlada Kenaya, Joseph Ole Lenki ayaa ku amray dhamaan dadka qaxootiga Soomaalida ah ee ku sugan magalooyinka dalkaas in ay dib ugu laabtaan xeryaha qaxootiga ee loogu talagalay ee ku yaala Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in qaxootiga Soomaalida ah looga baahanyahay in ay ku laabtaaan xXeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo Kakuma una hogaansamaan amarka dowlada ka soo baxay hadii kale ay dowladu adeegsan doonto xoog.

Shacabka Kenya ayaa wasaaradda Amnigu ka codsatay iney saldhiga boolis ee ugu dhow kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan qof qaxooti ah oo ku sugan meel magaalo ah ama dadka sida shaci darrada ah u safraya.

“Qof kasta ee qaxooti ah ee amarkaan qaadan waaya waxaa lagu dhaqi doonaa sharciga” ayauu Joseph Ole Lenki ku yiri war uu soo saaray.

Joseph Ole Lenki Wasiirka Arimaha gudaha Kenya ayaa arintani ku micneeyay in ay uga goleeyihiin in ay uga hortagaan weeraro argagaxiso kadib weerar axaddii ka dhacay kasniisad ku taalla degmada Likoni ee ku dhow Mombasa, ayna ku dhinteen lix qof.

Wasiir Ole Lenku ayaa sheegay in 500 askari oo boolis dheeraad ah la geynayo magaalada caasimadda ah ee Nairobi, sidaas oo kalana la yeelayo magaalada Mombasa oo ah magaalada labaad ee dalka Kenya.

Kenya ayaa laba jibaartay shakiga ay ka qabto Soomaalida kadib weerarkii maalmaha qaatay ee Alshabaab ku qaaday xarrunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen 67 ruux.

Kenya ayaa sheegtay in la xirayo dhamaan xarrumaha ku yaalla magaalooyinka ee lagu diiwaangelin jiray dadka qaxootiga ah.

Xerada Dhadhaab, waxaa ku nool qaxooti gaaraya 400,000 oo badankooda kazoo jeedaan dalka Soomaaliya, halka xerada Kamukma ay ku noolyihiin 125,000 qaxooti ah oo Soomaali ka mid tahay.

Soomaali badan oo heysta karaka qaxootiga ayaa ka coogsada magaalooyinka Kenya, kuwaasoo ay ku adkaan doonto iney iska xaadiriyaan xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %