Qaxooti Yemen iyo Soomaali ah oo ka degay Berbera * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaxooti Yemen iyo Soomaali ah oo ka degay Berbera

Mareeg.com: Markab laga leeyahay dalka Yemen oo sida qaxoonti ka soo cararay colaadaha Yemen muddada ka socday ayaa xalay goor dambe soo gaadhay dekedda Berbera. Markabka ayaa sida 174 qof oo iskugu jira Soomaali iyo Yemeniyiin.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa sheegay in Qaxoontiga oo ay ku jiraan Caruur iyo haween ay Dekedda ku qaabileen Masuuliyiinta Heer gobol iyo kuwa degmada, Wasaaradda dib u dejinta iyo Saraakiil ka socda Hay’adda Qaxoontiga Aduunka UNHCR iyo Hay’adda Scodaalka ee IOM.

Badhasaabka ayaa sheegay in dadkaasi muddo maalmaha lagu nasin doono Berbera maadaama ay laba maalmood badda ku soo jireen kadibna qof walba halkii uu u socday uu tagi doono lana siin doono sahaay.

Waxaa hore dekedda Berbera u soo gaadhay dad ka badan 70 qof, waxaana qaxoontiga markabkani siday noqonayaa qaxoontigii u badnaa ee soo gaadhay Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa horay u sheegtay inuu diyaarinayo meelo la dejiyo dadka la filayo inay ka soo cararaan dagaalada Yemen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!