Axmed Buulle Max’ed Guddoomiyaha Degmada Luuq ee Gobolka Gedo oo la soo xiriiray warbahinta soomaalida ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Degmadaasi ay soo gaareen Qaxooti Soomaali ah kuwaasi oo ka soo laabtay Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu Hoosta ka xariiqay in qaxootiga Yimid Degmada Luuq ay dib u dajin u sameeyeen islamarkaana waxa uu sheegay in arrimahaasi ay ka wada hadleen Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay.
Si kastaba Heshiis ka dhacay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya kaasi oo ahaa mid Seddex Geesood ah una dhexeeyay Dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay ayaa waxa uu dhigayay in qeybo ka tirsan Gobolka Gedo dib u dajin loogu sameeyo Qaxootiga Soomaaliyeed