Qatar oo war ka soo saartay fal shalay ka dhacay soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qatar oo war ka soo saartay fal shalay ka dhacay soomaaliya

May 10, 2018Doxa (Mareeg.com) – Dowladda Qatar ayaa si kulul waxay u cambaareysay qarax Ismiidaamin ah, kaasi oo shalay galabtii ka dhacay suuq khaatka lagu iibiyo oo ku yaalla degmadaasi.

Waxay Qatar ugu horreyn dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda uga tacsiyeesay dadkii ku dhintay qaraxan, waxaana ay sheegtay in falkaasi ay aad uga xun tahay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in dowladdaasi ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, islamarkaana ay ka caawin doonaan sidii Soomaaliya ay nabad u noqon lahayd.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.