Qaraxyo xalay ka dhacay Boosaaso oo dad waxyeeleeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qaraxyo xalay ka dhacay Boosaaso oo dad waxyeeleeyey

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Laba qof ay ku dhaawacmeen laba qarax oo xalay lagu weeraray saldhig boolis oo ku yaalla bartamaha magaaladaas ee ah xaunta gobolka Bari.

Qaraxyada oo ahaa bambooyin laga tuuray gacanta ayaa waxaa ku dhaawacmay askari boolis ah iyo qof rayid ah. Dhaawaca labada ruux ayaa la dhigay isbataalka guud ee degmada  Boosaaso.

Rasaas habeen hore lagu furay dad fadhiyay makhaayad ku taalla isla boosaaso ayaa waxaa ku dhaawacantay laba qof.

Weeraradan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Puntland howlgal milateri oo ka dhan ah Alshabaab ka wadaan buuraleyda Galgala oo ku dhow Boosaaso.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!