Ceelwaaq, Mareeg.com: Dhowr qarax ayaa xalay ka dahcay degmada Ceel-waaq eek u taalla xuduudka Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay toddoba kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo xalay ka dhacay maqaahi ku taalla degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.
Maqaahidan ayaa ahayd mid ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo dad shacab ah ayaa ka dhacay laba qarax oo waaweyn, iyadoo mas’uuliyadda qaraxyadan ay sheegatay Al-shabaab.
Guddoomiyaha degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay ka dhaceen degmada Ceel-waaq laba qarax oo waaweyn, kuwaasoo ay kasoo gaartay khasaare ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.
Qaraxyadan ayaa markii ay dhaceen waxaa hawada laga saaray isgaarsiinta degmadaas oo dhan, iyadoo ciidamadu ay baaritaanno sameeyeen, kuwaas oo la ogeyn cidda ay kusoo qab-qabteen.
Degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa waxay ka mid tahay goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Kenya.
Ma ahan markii ugu horreysay oo weerarro noocan oo kale ah ay ka dhacaan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, balse dhowr jeer oo hore ayay ka dhaceen.
Bandow aan la sii qorshaynin ayaa caawa ka dhaqan-galay magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka Jubbada Hoose.
Waarka ka imaanaya Kismaayo ayaa sheegaya in wixii ka dambeeyay 6-dii maqribnimo ee xalay ay magaaladu gashay bandowga, kaddib markii ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba ay ganacsatada ku amreen inay goobahooda xiraan, isla markaana joojiyay dhaqdhaqaaqa dadwaynaha iyo isu-socodka gaadiidka.
Mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaan wali ka hadlin bandowga caawa lagu soo rogay magaalada Kismaayo, in kastoo ay jiraan warar sheegaya in la filayo saacadaha soo socda in la shaaciyo golaha wasiirrada ee maamulka.
Mareeg.com