Mareeg Media
Somalia

Qaraxii Labaad oo la fashiliyay iyo rag Hubaysan oo lala qabtay?

Muqdisho (SMN) – Warar goor dhow ay heshay Shabelle ayaa ku warramaya in gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa lagu qabtay barkoontarool oo ku taalla xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Gaariga ayaa la sheegay in ay la socdeen rag hubeysan oo iska hor imaad uu dhex maray iyaga iyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Sidoo kale dad goobjoogayaal ah ayaa soo warinaya in weli xaaladdu ay kacsan tahay, islamarkaana rasaas goos goos ah laga maqlayo halkaasi.

Waa qaraxii labaad oo ay fashilinayaan laamaha amniga, iyadoona saaka qarax gaari ay ka hortageen ciidanku uu ka dhacay agagaarka isgoyska Digfer ee magaalad Muqdisho.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!